Cirro oo DFS ku eedeeyey inaysan daacad ka ahayn wadaxaaajooyada labada dhinac.

Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inaysan daacad ka…

9 August, 2026

Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inaysan daacad ka ahayn wada-hadalladii horay u dhexmaray Muqdisho & Hargaysa.

Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay marar badan Soomaaliya la gashay wada-hadallo iyadoo muujisay daacadnimo, isla markaana ay bixisay “qiimo siyaasadeed oo aad u weyn” si loo gaaro heshiisyo labada dhinac dan u ah.

“Marar badan ayaanu wada-hadal galnay Soomaaliya, annaga oo daacad ka ah, annaga oo bixinay qiimo siyaasadeed oo aad u weyn. Nasiib-darro, heshiisyo kooban balse muhiim ahaa oo lagu gaadhay wada-hadallada ayay markii dambe Soomaaliya ka baxday,” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland ayaa tilmaamay in waayo-aragnimada laga dhaxlay wada-hadalladii hore ay muujinayso caqabado ku saabsan fulinta heshiisyada la gaadhay, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in wada-hadallada mustaqbalka lagu saleeyo daacadnimo iyo ixtiraamka wixii lagu heshiiyo.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay weli taagan yihiin khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya Somaliland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo dhinacyadu horey dhowr jeer ugu guul darraysteen inay heshiis ku gaaraan shirar ka dhacay qaar kamid ah dalalka deriska ah.