Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa ka jawaabey su’aal laga waydiiyey xiriirka wadashaqayneed ee ka…

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa ka jawaabey su’aal laga waydiiyey xiriirka wadashaqayneed ee ka dhexeeya xukuumaddiisa iyo Puntland oo soo hagaagayey wixii ka dambeeyey 2024.
Hoggaamiye Cabdiraxmaan Cirro, ayaa sheegay in Somaliland iyo Puntland ay leeyihiin xiriir dhow, isla markaana ay iska kaashadaan wax ka qabashada khataraha amni, gaar ahaan la-dagaallanka argagixisada iyo burcad-badeedda.
Cirro ayaa sidoo kale sheegay in labada dhinac ay ka shaqeeyeen dib-u-furista isu-socodka dadka iyo gaadiidka isaga kala gudba Puntland iyo Somaliland, kaas oo uu sheegay inuu hakaday kadib dagaalladii Laascaanood, haseyeeshee dib looga bilaabay jidka isku xira deegaanka Ceel-daahir iyo degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.
Cirro ayaa sidoo kale, sheegay in xaaladda deegaamada maamulka Waqooyi Bari uu nabad ku wajihi doono isla markaana uu calan cad u qaadan doono Magaalada Laascaanood, si bulshadaasi ay hanaan nabadgelyo dib ugu soo laabtaan Somaliland.




