Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa magaalada Nairobi kula kulmay wakiillo ka socda beesha caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah ee fadhigoodu yahay Kenya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda Somaliland, qorshayaasha horumarineed ee xukuumadda iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka ay Somaliland la leedahay beesha caalamka.
Sida lagu sheegay war kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha, Cirro ayaa kulanka kaga hadlay mudnaanta xukuumaddiisa, isaga oo sheegay in Somaliland ay doonayso iskaashi iyo maalgashi ku dhisan dano-wadaag iyo wax-wada-qabsi, halkii ay ku tiirsanaan lahayd gargaar dibadeed.
Nabadda iyo amniga
Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in nabadda iyo xasilloonidu ay yihiin mudnaanta koowaad ee xukuumaddiisa.
Waxa uu sheegay in in ka badan 6,000 oo ciidamo beeleed ah, oo ay weheliyaan qalabkooda, la qarameeyey, tababarna loo furay, kaddibna lagu daray ciidamada Somaliland.
Waxa uu sidoo kale sheegay in shaqaaqooyinkii ka dhacay gobollada galbeedka Somaliland lagu wajahayo wada-hadal, dib-u-heshiisiin iyo hannaan nabadeed.
Arrinta Laascaanood ayuu sheegay in xukuumaddiisu doonayso in lagu xalliyo wada-hadal, is-afgarad iyo hab nabadeed.
Aqoonsiga Somaliland
Dhinaca aqoonsiga, Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in aqoonsigii ay Israa’iil siisay Somaliland 26-kii Diseembar 2025 uu ahaa “dhacdo taariikhi ah”, balse aanu ahayn dhammaadka geeddi-socodka ay Somaliland ku raadinayso aqoonsi caalami ah.
Waxa uu sheegay in himilada Somaliland ay ku dhisan tahay amni, xasillooni, dimuqraadiyad iyo hay’ado dawli ah oo shaqaynaya.
Somaliland ayaa muddo dheer doonaysay inay hesho aqoonsi caalami ah, iyadoo sheegata inay tahay dal madax-bannaan oo ka go’ay Soomaaliya sanadkii 1991.
Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay qorshayaasha horumarineed ee xukuumaddiisa, isaga oo sheegay in mudnaan la siinayo waddooyinka, biyaha, tamarta, caafimaadka, waxbarashada iyo isgaadhsiinta.
Waxa uu xusay mashaariic lagu dhisayo waddooyin istaraatiiji ah iyo dadaallo lagu dhimayo qiimaha korontada, isla markaana lagu horumarinayo tamarta nadiifta ah.
Sugnaanshaha biyaha ayuu ku tilmaamay arrin muhiim ah, gaar ahaan sahminta iyo ka faa’iidaysiga biyaha dhulka hoostiisa ku jira.
Waxa uu beesha caalamka ugu baaqay inay Somaliland kala shaqeyso dhinacyada khibradda, farsamada iyo tiknoolajiyadda.
“Ma doonayno gargaar oo keliya”
Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland aanay doonayn inay beesha caalamka ula timaaddo oo keliya codsiyo gargaar, balse ay doonayso inay soo bandhigto waxqabadkeeda iyo fursadaha iskaashi iyo maalgashi ee labada dhinacba dan u ah.
Waxa uu saaxiibbada caalamka ugu baaqay inay Somaliland ku qiimeeyaan xaaladda dhabta ah ee ay ku jirto, waxqabadkeeda iyo hannaankeeda.
Madaxweynaha ayaa sheegay in iskaashiga Somaliland iyo beesha caalamku uu ku dhisnaado is-ixtiraam, xaqiiqo, waxqabad iyo dano-wadaag.




