Cirro & Xasan Sheekh oo digniino hawada isumariyey- Video

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag uga hadlay arrimo la xiriira safarro lagu…

27 May, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag uga hadlay arrimo la xiriira safarro lagu sheegay inay xubno ka socda Somaliland ku tageen magaalada Jerusalem, isaga oo sheegay in aan la aqbali karin in “dad Soomaaliyeed oo sita calan Towxiid leh” ay si gaar ah uga qeyb galaan arrimo diblomaasiyadeed oo xasaasi ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in tallaabooyinka noocaas ah ay dhaawacayaan midnimada iyo mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan arrimaha caalamiga ah, isaga oo xusay in dalal badan ay wax ka weydiiyeen sida ay arrintaasi ku dhacday. Wuxuu carrabka ku adkeeyey in dowladda Federaalka Soomaaliya aysan aqbali doonin wax kasta oo u muuqda in lagu metelayo Soomaaliya si ka baxsan nidaamka rasmiga ah ee dowladda dhexe.

Dhanka kale, Madaxweynaha Somaliland Abdirahman Mohamed Abdullahi Irro ayaa ka jawaabay hadalladaasi, isaga oo sheegay in Somaliland ay xaq u leedahay inay difaacato danaheeda iyo xiriirrada ay la yeelaneyso caalamka.

“Jabuuti iyo Soomaaliya waxaan u sheegayaa inay ixtiraamaan derisnimada. Waan iska difaacaynaa ciddii na soo doontaa,” Ayuu yiri Madaxweyne Cirro, isaga oo muujiyey mowqif adag oo ku saabsan madax-bannaanida iyo amniga Somaliland.