Liverpool iyo taageerayaasha kubadda cagta adduunka ayanaxdin ku timid kaddib markii la xaqiijiyey geerida xiddiga reer Portugal Diogo Jota oo ku dhintay shil gaari oo ka dhacay dalka Spain, isagoo 28 jir ah.

Jota oo ahaa weeraryahan muhiim u ah kooxda Liverpool, ayaa la sheegay in uu safar ku jiray isaga iyo walaalkiis André Jota, oo 26 jir ah, markii gaarigii ay wateen uu ka baxay waddo ku taalla gobolka Zamora ee waqooyiga-galbeed ee Spain. Warbaahinta Portugal ayaa markii ugu horreysay tabisay warkan, waxaana si rasmi ah u xaqiijisay kooxda Liverpool.
Diogo Jota ayaa dhowaan guursaday lamaanihiisii muddada dheer Rute Cardoso, waxana uu ahaa aabbe leh saddex carruur ah. Geeridiisa ayaa naxdin ku noqotay dhammaan bulshada kubadda cagta, gaar ahaan taageerayaasha Liverpool.
Ra’iisul Wasaaraha UK, Sir Keir Starmer, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska iyo saaxiibada Jota, isagoo sheegay: “Tani waa war naxdin leh. Qoyska, asxaabta, taageerayaasha Liverpool iyo guud ahaan dadka xiiseeya kubadda cagta waxay la murugaysan yihiin geeridan.”
Liverpool FC ayaa sidoo kale soo saartay bayaan rasmi ah oo ay ku muujisay murugada ay ka qabto geerida ciyaaryahankooda.



