Congo: Xukun dil ah oo lagu xukumay hogaamiyihii hore Joseph Kabila

1 October, 2025

Madaxweynihii hore ee Kongo, Joseph Kabila, ayaa maxkamad milateri ku xukuntay dil isagoo maqan. Waxaa lagu helay dambi ah qiyaano qaran iyo inuu la shaqeeyay maleeshiyada M23.

Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC), Joseph Kabila, ayaa Talaadadii ay Maxkamad Milatari ku xukuntay dil, kaddib markii lagu eedeeyay inuu galay dambiyo dagaal.

Kabila, oo lagu xukumay isagoo maqan, ayaa lagu helay dambiyo ay ka mid yihiin dil, faraxumayn, jirdil iyo kacdoon.

Kabila ayaa sidoo kale lagu xukumay inuu ku dhawaad ​​$33 bilyan oo magdhow ah siiyo gobollada bari ee Waqooyiga iyo Koonfurta Kivu.

Maleeshiyada M23 ayaa sanadkan qabsatay qeybo badan oo kamid ah gobaladaasi barri, waxaana ay halkaasi ka sameeyeen maamul u gaar ah.

Kabila ayaa lagu eedeeyay inuu taageeray jabhadda M23 oo ay taageerto Rwanda.

Madaxweynaha hadda ee DRC, Felix Tshisekedi, ayaa sheegay in Kabila uu ahaa maskaxdii ka dambeysay kooxdan hubeysan.

Kabila oo 18 sano hogaaminayay DR Congo ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay, wuxuuna ku tilmaamay dowladda Tshisekedi mid kaligii talis ah.

Kabila waxa uu dalka xukumayay intii u dhaxaysay 2001 ilaa 2019 waxa uuna la wareegay xukunka kadib dilkii aabihiis Laurent-Desire Kabila.

Dabayaaqadii bishii May, Kabila waxa uu si kooban uga soo muuqday bariga Congo oo ay fallaagada gacanta ku hayaan, halkaas oo uu isku dayay inuu wadahadalada nabada dhexdhexaadiyo.

Hogaamiyihii hore ayaa inta badan musaafuriskiisa ku qaatay dalka Koonfur Afrika inkastoo aan la ogeyn halka uu hadda ku sugan yahay.