Culimaa’udiinka Puntland ayaa masaajiddada ka taageeray dagaalka ay dowladdu kula jirto kooxda Daacish ee ka socda buuraleeyda Calmiskaad.

Culimaa’udiinta ugu waaweyn deegaamada Puntland oo manta jeediyey khudbadihii Jimcada ayaa ka hadlay dagaalka ay ciidanka dowladdu kula jiraan kooxda Daacish ee ka socda buuraleeyda Calmiskaad ee gobolka Bari.
Inta badan culimadii bulshada kula hadashay Masaajidda ayaa bulshada iyo dowladda ku guubaabiyey inay u midoobaan dagaalka Daacish maadaama ay ka beensheegeen diinta Islaamka isla markaana ay bulshada ku waxyeeleeyeen magaca diinta Islaamka.
“Puntland waa lagu soo duulay qof kasta oo reer Puntland ah waajib saaran weeye inuu ka qayb qaato dagaalka xaqqa ah ee Daacish lagu ciribtiriyo”, Sidaas waxaa yiri Sheekh Cali Maax khudbadii Masjidka Al Rowda ee magaalada Boosaaso.
Dhanka kalena, Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo khudbad ka jeedinayey Masjidka Xaaji Cali ee magaalada Garoowe ayaa sheegay in Daacish ay suurad xumaysay diinta Islaamka ayna tahay in loo midoobo dagaalka looga soo horjeed.
Waxa uu ugu baaqay dhammaan shacabku inay doorkooda qaataan dhiig iyo dhaqaalena ku biiiyaan dowladda iyo ciidamada dagaalka kula jira, maadaama ay dhibaato ku yihiin diinta, nolosha bulshada iyo dhaqaalaha intaba sida uu hadalka u dhigay.
“Waa dad Ilaahay diintiisa suurad xumaynaya, waxay noqdeen sabab diintii lagu duro oo xitaa dadkii Muslimiinta ahaa qaarkood ayaa ku kadsoomay, dagaalkooda waa in loo midoobaa dagaalku meel fiican buu marayaa waana laga guulaysanayaa, waana in wixii dhaqaale la heli karo gudaha iyo dibaddaba laga diyaariyaa iyadoo nidaamka dowliga ah loo marayo”.