Culimada Puntland oo xukun ka soo saartay dhalinyarada tahriibta ku dhinta.

Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo kamid ah culimaa’udiinka deegaamada Puntland ayaa si adag uga hadlay qulqulka…

19 July, 2026

Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo kamid ah culimaa’udiinka deegaamada Puntland ayaa si adag uga hadlay qulqulka dhalinyarada ee Soomaaliyeed ee tahriibka iyo xukunka qofka ku dhinta badweynta isagoo kujira safarka tahriibka.

Sheekh Maxamuud ayaa ugu horrayn sheegay in tahriibku yahay mashruuc ay ka dambeeyaan dad isugu jira Soomaali iyo ajaaniib qaybtooda ka shaqeeyaan xarumaha dowladda, kuwaas oo dhalinyarada ka qaada deegaamadooda gaarsiiyana dalka Libya ilaa galbeedka qaaradda Africa.

“Dad isku xiran oo dambiilayaal ah oo Soomaali iyo ajaaniib isugu jira ayaa ka shaqeeya oo qaarkood Garoowe joogaan, dowladda u shaqeeyaan oo qaarkood garoomada diyaaradaha ka shaqeeyaan oo airaboorada dhaafiyaan, arrinkaasi waa masiibo qoysas badan ayaa ku dhibaatooday”, Ayuu yiri Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf.

Dhanka kalena, Sheekha ayaa sheegay in safarka haddii khatartiisu ka badan tahay nabadgelyadiisa uu xaaraan noqonayo qofkii ku dhintana uu lamid yahay mid diley naftiisa,”Culimada Islaamku waxay isku raacday in haddii safarka khatartiisu ka badan tahay nabadgelyadiisa uu xaaraan noqonayo, qofkii tahriiba ee safarkaas ku dhinta wuxuu lamid yahay qof naftiisa gooyey aakhirana ciqaab adag ayaa sugaysa.”