13 February, 2026
Ku dhawaad 30 xubnood oo katirsan culimada Soomaaliyeed ayaa baaq culus ka soo saaray xaaladda siyaasadeed,…

Ku dhawaad 30 xubnood oo katirsan culimada Soomaaliyeed ayaa baaq culus ka soo saaray xaaladda siyaasadeed, ammaan, abaaraha iyo qorshaha siyaasiyiinta guud ahaan dalka Soomaaliya.
“Madaxweyne waa inaad qaadataa kaalin odaynimo oo leh dulqaad, tanaasul iyo keenid xal dalka iyo dadkaba badbaadin kara, maantana waa maalin taariikhda kuu galeysa, aakhirona Allah ku weydiin doono, haddii aad ku guuleysatona ajar weyn aad ka heli doontid, marka fursaddaasi yeysan ku dhaafin” ayaa lagu yiri Bayaanka culumada.






