Qaar kamid ah Culimaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay falalka ay kooxda Xuutiyiinta ka waddo…

Qaar kamid ah Culimaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay falalka ay kooxda Xuutiyiinta ka waddo dalka Yemen, gaar ahaan waxa ay ku tilmaameen daadinta dhiigga iyo burburinta masaajidda.
Culimadaan oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay cambaaraynayaan weerarrada Xuutiyiintu ka geystaan dhulka barakaysan, iyagoo xusay in Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay xaq u leedahay inay difaacdo dhulka barakaysan.
Waxay muslimiinta ugu baaqeen inay garab istaagaan Sacuudi Carabiya, halka beesha caalamkana ay ugu baaqeen inay kooxda Xuutiyiinta kala xisaabtanto falalka ay ku eedeeyeen inay ka geysanayaan Yemen iyo goobaha kale.
“Waxa aan cambaaraynaa daadinta dhigga & duminta masaajidda ee kooxda Xuutiyiinta ay ka wadaan dalka Yemen iyo weerarada ay ka geystaan dulka barakaysan, Boqortooyada Sucuudi Careebiya waxa ay xaq u leedahay in ay difaacdo dhulka barakaysan, dhammaanna waa in muslimiintu garab istaagaan, Beesha-caalamka waxaan ugu baaqaynaa in ay la xisaabtamaan Kooxda Xuutiyiinta, dadka Muslimka ah waa in ay u duceeyaan Sucuudi-ga”, Ayuu




