Culumada Soomaaliyeed oo bayaan ka soo saaray xiisadda Itoobiya

Published: September 8, 2024

Culumada Soomaaliyeed oo maalamahaan shi ku lahaa magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xiisadda sii kululaanaysa ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Ethiopia.

Bayaan ay kasoo saareen kulankooda ayay ku garab istaageen dowladda Soomaaliya, go’aamadii ay ka qaadatay khilaafka kala dhexeeya Ethiopia, waxayna ku baaqeen wadajir iyo midnimo.

Hadalka culumada ayaa imanaya iyadoo sidaan oo kale ay xiisadda uga falceliyaen qeybo ka mid ah bulshada, oo ay ku jiraan xildhibaanno, siyaasiyiin iyo odayo dhaqameedyo.

Waxay ka digeen dadka ku howlan kicinta iyo kala qeybinta bulshada.

Waxay dowladda ugu baaqeen inay abuurto jawi ay ku wada hadlaan dadka qaba tabashada si loo xoojiyo midnimada.

Waxay Itoobiya ugu baaqeen inay ilaaliso deriswanaaga iyo nabad kuwada noolaanshaha shacuubta labada dal.

Horseed Media