Cumaan oo ku dhawaaqday heshiis xabad joojin ah oo dhex maray Xuutiyiinta Yemen iyo Mareykanka

6 May, 2025

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Cumaan ayaa ku dhawaaqday xabbad-joojin u dhaxaysa Maraykanka iyo Xuutiyiinta Yemen.

“Kadib wada-hadallo iyo xiriiro ay dhawaan Saldanada Cumaan la yeelatay Mareykanka iyo mas’uuliyiinta ay khuseyso ee ku sugan Sanca, ee Jamhuuriyadda Yemen, ujeeddaduna tahay in xiisadda la dejiyo, dadaallada ayaa natiijadii ka soo baxday heshiis xabbad-joojin ah oo dhex maray labada dhinac,” ayaa lagu yiri bayaanka Cumaan.

“Mustaqbalka, labada dhinac midkoodna ma beegsan doono kan kale, oo ay ku jiraan maraakiibta Mareykanka, ee ku sugan Badda Cas iyo Bab al-Mandab Strait, hubinta xoriyadda socodka iyo habsami u socodka maraakiibta ganacsi ee caalamiga ah,” ayay raacisay.

Goor sii horeysay, Madaxweyne Donald Trump ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqay in Mareykanka uu soo afjari doono weerarada ka dhanka ah Xuutiyiinta Yemen maanta oo Talaado ah, isagoo sheegay in kooxdu ay ogolaatay inay joojiyaan weerarada ay ku hayaan maraakiibta ku sugan Badda Cas.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Xuutiyiinta oo gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku garaacaya maraakiibta taagan halbowlaha ganacsiga muhiimka ah, iyagoo sheegay inay diidan yihiin xasuuqa Isrea ee Falastiiniyiinta Gaza.