Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka,…

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, kulamo ka qabsoomay Magaalada Muqdisho, khilaafka DFS iyo maamul goboleedyada iyo arrimaha doorashooyinka.
Cumar Cabdirashiid ayaa ugu horrayn sheegay inay shirarkii Mucaaradka ee Muqdisho ay salka ku hayeen sidii xal looga gaari lahaa khilaafyada siyaasadeed ee dalka meeshana looga saari lahaa faragelinta dastuurka iyo ku dhaqankiisa.
Waxaa kale oo uu sheegay inuu kulan gaar ah la qaatay MW Xasan Sheekh si uu u siiyo talooyin siyaasadeed, isagoo intaasi ku daray in arrinta khilaafka Madaxda DFS iyo dowlad goboleedyadu xallintooda looga fadhiyo Villa Somalia, haseyeeshee haddii loo igmado ay ka shaqayn doonaan.
Ugu dambayn Cumar ayaa walaac ka muujiyey in lagu laabto doorashadii barlamaanka ee 2022 oo uu ku sifeeyey aroos iyo malxiisad, haseyeeshee xalku uu yahay dhabbe ka duwan oo laysku raacsan yahay aanna ku salaysnayn awood maroorsi iyo loo joojin maayo.
“Cumar Cabdirashiid,””Lagu noqon maayo doorashadii 2022 ee arooska iyo Malxiiska, mana doonayno inaan ku noqono Kampala oo adduunkii waa naga sii jeestey”, Ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.