Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in la jiirey “khad cas” taas oo dalka dhib u horseeday

27 December, 2024

Cumar Cabdirashiid oo muddo siyaasadda ka aamusnaa ayaa dhamaadka sanadkan ku aadiyey fariin ah in waxkasta oo ahayd in la ilaaliyo hadda la jiirey

Siyaasiga weyn ee Cumar Cabdirashiid Sharmaarke, oo laba jeer dalka ka soo noqdey raysalwasaare, ayaa muddo dheer kaidb ka hadley arrimaha siyaasadda ee dalka, kadib markii uu ka aamusnaa 6-dii bilood ee u danbeysey oo ay dalka ka dhaceen isbeddelo waaweyn.

Raysalwasaare Sharmaarke ayaa ku tilmaamey isbeddaladii waaweynaa ee dhacaayey sanadkan 2024, sida dastuurka oo la beddelo, dhisidda guddiyo u baahnaa wadatashi, dagaalo lagu qaado dowlad goboleedyada, doorashooyinkii dowlad goboleedyada oo la qaban waayo marka laga reebo Puntland, doorashooyin la boobo, qaar kamid ah madaxdii dowlad goboleedyada oo maxkamad u jarto waaran in la soo xiro, ciidamadii xooga dalka oo Kenya u talaabey kadib markii arrimo siyaasadeed lagu dagaalamay ayuu ku qoray bartiisa X:

“Waxaa laga talaabsadey khadad badan oo lama taabtaan ah sanadkan 2024, kuwaas oo abuuray xasillooni darro siyaasadeed & mid amni oo dalka oo dhan ah. Marna kama adkaan karno fakhriga mana wajihi karno khataraha dibadda ka yimaada haddii aan la helin isku duubni gudaha. Allaah bulshadeena ha ku hanuuniyo xasiloonida & isku duubnida siyaasadeed 2025 & wixii ka dambeeya.”

Qoraalkan oo u muuqda mid uu dib ugu furaayo doodihisi siyaasadeed ayuu ku soo aadiyey dhamaadka sanadkan 2024.

Cumar Cabdirashiid ayaa si joogto ah uga hadli jirey isbeddalada siyaasadeed iyo khataraha dalku wajahayo, waxaana uu bixin jirey talooyin, waxaana hadda muuqata in uu mar kale dib ugu soo laabtey fagaarayaasha siyaasaddsa.

HORSEED MEDIA