Cumar Cabdirashiid oo diwaangeliyey Xisbi ugu tartamo madaxtinimada dalka.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan…

6 September, 2025

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta diiwaangeliyey xisbiyo cusub oo ay kaga qayb galayaan doorashooyinka uu wado madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Saddexdan siyaasi ayaa hore uga mid ahaa Madasha Mucaaradka balse ka baxay kadib markii ay heshiis la galeen dowladda federaalka.

Siyaasiyiintan ayaa shahaadada diiwaangelinta ka qaatay xarunta guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka. Guddigu wuxuu sheegay in tirada xisbiyada diiwaangashan ay hadda gaartay 14 urur siyaasadeed, kuwaas oo doonaya inay ka qayb galaan doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo kuwa baarlamaanka federaalka.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in heshiiskii lala galay dowladda federaalka ay arkaan in qaybo ka mid ah la fuliyey, isagoo xusay in nidaamka xisbiyadu uu yahay mid anfaca dadka Soomaaliyeed. “Madaxweynaha JFS waan uga mahadcelinayaa in wixii lagu ballamay uu fuliyay, maanta waan isdiiwaangelinay,” ayuu yiri.

Xisbiyadan cusub ayaa sheegay inay diyaar u yihiin ka qayb galka doorasho qof iyo cod ah qorshahaas oo ay dowladda federaalka hore u shaacisay, isla markaana qayb ka ah heshiiska ay dhawaan la galeen.

Si kastaba ha ahaatee qorshahan doorashooyinka ayaan ahayn mid ay ku heshiiyeen dhinacyada oo dhan. Madasha mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland ayaa si cad uga soo horjeeda, iyagoo ku eedeeyay madaxweynaha inuu ku socda waddo dastuurka lagu faragelinayo iyo muddo kororsi siyaasadeed oo dalka gelin kara qalalaase.

Mucaaradka iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada ayaa weli indhaha ku haya dhammaadka muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheekh oo ku eg 15 May 2026 iyagoo sheegay in xiligaas laga bilaabo talada dalka ay farahiisa ka bixi doonto madaxweynaha sida ay dhacday intii lagu jiray xilligii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.