Raysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu…

Raysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu u taagan yahay xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya doorashada soo socota.
Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay inuu rajo weyn ka qabo inuu ku guuleysto doorashada, isagoo xusay inuu dalka u horseedi doono siyaasad ku dhisan xasillooni, wada-hadal iyo dib-u-heshiisiin, taas oo uu sheegay inay isu soo dhoweyn doonto shacabka Soomaaliyeed.
Dhanka kale, wuxuu dhaliilay xiriirka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland, isagoo sheegay in labada dhinac ay albaabada isu xirteen, arrintaasna ay dhaawacday doorkii hormuudnimo ee Puntland ku lahayd dhismaha Dowladda Federaalka iyo geeddi-socodka dowladnimada Soomaaliya.
Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa hore u soo noqday laba jeer Raysal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sidoo kale wuxuu soo noqday Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dowladda Maraykanka, isagoo muddo dheer ka soo shaqeeyay diblomaasiyadda iyo xiriirka caalamiga ah.




