Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa dowladda Puntland uga digay in colaad…

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa dowladda Puntland uga digay in colaad ka dhacda magaalada Gaalkacyo ay keeni karto cawaaqib amni iyo mid siyaasadeed oo ballaaran. Wuxuu ku baaqay in laga fogaado tallaabo kasta oo horseedi karta iska horimaad u dhexeeya ciidamada ka wada tirsan Puntland.
Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in Gaalkacyo aysan la mid ahayn buuraha Cal-Miskaad, isagoo xusay in xaaladda magaalada ay u baahan tahay taxaddar iyo xal ku dhisan wada hadal. Wuxuu ku boorriyey maamulka Puntland inuusan qaadin, sida uu hadalka u dhigay, “duullaan gardarro ah” oo ka dhan ah ciidamo kale oo Puntland ah iyadoo aanay jirin sabab sharci ah.
Sidoo kale, wuxuu walaac ka muujiyey dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee la xiriira magaalada Gaalkacyo, isagoo sheegay in hubka iyo ciidamada loo weeciyey xiisadda ka aloosan halkaasi ay wiiqi karaan awoodda ciidamada ee ku howlan dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada.
Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa ugu dambeyn ku baaqay in mudnaanta la siiyo ilaalinta nabadda, wada hadalka iyo mideynta dadaallada amniga, si looga hortago in khilaafaadka gudaha ay saameyn ku yeeshaan howlaha lagu sugayo amniga iyo la dagaallanka argagixisada.




