Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka,…

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan wax-ka-beddellada dastuurka, hannaanka doorashooyinka dowlad-goboleedyada iyo baahida loo qabo in heshiis laga gaaro doorashooyinka federaalka.
Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in qaar ka mid ah tallaabooyinka siyaasadeed ee la qaaday ay sii xoojinayaan kala-qaybsanaanta dalka, isagoo xusay in loo baahan yahay in arrimaha dastuurka iyo doorashooyinka lagu wajaho wadatashi iyo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.
“Waxaa muuqata in wax-ka-beddellada dastuurka ee aan loo marin wadatashi ballaaran, maaraynta khaldan ee doorashooyinka dowlad-goboleedyada, iyo dib-u-dhaca heshiiska doorashooyinka federaalka ay sii kordhiyeen kala-qaybsanaanta dalka. Waa inaanan lumin geesinimada aan ku saxeyno arrimahan siyaasadeed iyo kuwa sharciyeed, oo ugu dambayntiina ku qasbaya hoggaamiyaasha Federaalka iyo dowlad-goboleedyada inay fahmaan oo aqbalaan xuduudaha dastuuriga ah ee awoodahooda”, Ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.
Dhanka kalena, Cumar Cabdirashiid ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay ilaalinta dowladnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, isagoo tilmaamay in Puntland ay dadaal iyo maalgelin ku bixisay dhismaha dowladnimada dalka, aysanna dadka Puntland aysan aqbali doonin waxa uu ku tilmaamay “is-dhiibid maskaxeed”,.
“Waxaan maalgelin iyo dadaal muuqda ku bixinnay madaxbannaanida iyo dowladnimada qarankaan, Soomaaliya, sidaas darteed is-dhiibid maskaxeed weligeed ma noqon doonto ikhtiyaar ay dadka Puntland qaataan. Qodobka ugu muhiimsan ee ka soo baxay warqadahaan waa in waqti ku habboon la gaaro heshiis ku saabsan doorashooyinka federaalka”, Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare hore Cumar Cabdirashiid.




