Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo ka hadlay xaaladda dalka ayaa shaaciyey…

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo ka hadlay xaaladda dalka ayaa shaaciyey in la galay xaalad adag, firaaq dastuuri ah iyo kala fogaanaho siyaasadeed.
“Waxaan galnay marxalad adag oo ay ka jirto firaaq dastuuri ah iyo hubanti la’aan. Dowladda Federaalka Soomaaliya (FGS) hadda waxay ku shaqaynaysaa waqti amaah ah, waxaana u haray fursado aad u kooban oo halis leh si ay u hirgeliso ajendayaashii ay si weyn u maalgelisay”, Ayuu yiri RW Hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.
“Waxaa weli jira hal bil oo u hartay Madaxweynaha si uu isugu yeero dhammaan dhinacyada ay khusayso (stakeholders) una gaaro heshiis ay wada aqbali karaan, Markan waa in sidoo kale diiradda la saaraa sidii loo sixi lahaa waxa isu beddelaya wareeg xun (vicious cycle) oo ah in awoodda si gaar ah loo shakhsiyadeeyo marka la gaaro dhammaadka muddo-xileedka”, Ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.




