Cumar Cabdirashiid oo soo dhaweeyey siidaynta Markabka Sea World.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa soo dhaweeyey tallaabadii madaxtooyada Puntland ku…

4 August, 2025

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa soo dhaweeyey tallaabadii madaxtooyada Puntland ku sii daysay Markabka MV Sea World oo u rarnaa dowladda Turkiga.

Cumar Cabdirashiid ayaa tilmaamay in Puntland ay horay uga biyo diidey talooyinkii uu ka siiyey markabka laakii uu hadda siweyn u soo dhaweynayo tallaabada ay qaadday.

“Inkastoo talooyinkaygii hore ee ku socday Puntland laga biyo diiday, haddana waa war lagu farxo in maanta maamulka Puntland ay sii daayeen markabka MV Sea World”, Ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.