Cumar Cabdirashiid oo walaac ka muujiyey doorashada barlamaanka Somalia.

9 November, 2025

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ka digay in maamulka doorashada xildhibaanada…

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ka digay in maamulka doorashada xildhibaanada labada aqal ee dalka gacanta loo geliyo madaxda dowlad goboleedyada dalka.

Siyaasi Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay hoggaanka dowlad goboleedyada ay ku fadhiyaan raggii joogey 2021, ayna caqabad weyn noqon doonto haddii markale gacanta loo geliyo maamulka doorashada xildhibaanada heer federal.

Waxa uu soo jeediyey in madaxda dowladda Somalia ay magacaabaan guddi madax banaan oo maamula doorashada xildhibaannada, isagoo ku taliyay in meesha laga saaro guddiyadii doorasho ee heer dowlad goboleed.

Ra’iisul Wasaare hore Cumar Cabdirashiid wuxuu ka mid ahaa garabkii Madasha Samatabixinta ee heshiiska la galay Villa Somalia, waxaana soo jeedintiisu muujinaysaa inuusan rajo ka qabin doorasho qof iyo cod ah oo lagu soo doorto barlamaanka dalka.