Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ka hadlay soo saarista khayraadka dabiiciga…

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ka hadlay soo saarista khayraadka dabiiciga ah ee Somalia gaar ahaan shidaalka oo ay dowladda Turkigu ka bilaabayso xeebaha gobolka Mudug ee maamulka gobolka Mudug.
Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, ayaa sheegay in soo saarista khayraadka macdanta iyo shidaalku ay noqon karto baraare ama dhibaato, iyadoo ku xiran qaabka ay bulshooyinka iyo dowladuhu u maareen, isagoo soo jeediyey in laga gaaro is-afgarad siyaasadeed.
“Kheyraadka shidaalka iyo macdantu waxay noqon karaan barako, balse mararka qaar sidoo kale waxay noqon karaan dhibaato; inta badan arrintaasi waxay ku xidhnaan doontaa in la gaadho is-afgarad siyaasadeed oo ku saabsan qodobbada muhiimka ah sida dastuurka, ku dhaqanka sharciga, doorashooyinka iyo siyaasadaha shidaalka & macdanta”, Ayuu yiri Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.
Soo jeedinta Cumar Cabdirashiid ayaa imaanaysa xilli ay dhinacyada siyaasadda iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada dalku soo jeediyaan in heshiis midaysan laga gaaro hanaanka saami-qaybsiga khayraadka dabiiciga ah ee dalka.



