Cutub katirsan ciidanka Madaxtooyada Puntland oo tababar u furmay.

Taliyaha Madaxtooyada Puntland Gaashaanle sare Siciid Nuur Shire, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar G/sare Bashiir Maxamed…

8 June, 2026

Taliyaha Madaxtooyada Puntland Gaashaanle sare Siciid Nuur Shire, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar G/sare Bashiir Maxamed Maxamuud, Taliyaha RRU Cabdi Raxmaan Jaamac Rabaax iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Karkaar Cabdicasiis Yuusuf Caamir ayaa tababar feer-celin ah u furay ciidamo ka tirsan Ciidanka Madaxtooyada Puntland.

Masuuliyiinta ayaa ciidamada kula dardaarmay inay kor u qaadaan aqoonta, xirfadaha iyo waajibaadka shaqo ee looga baahan yahay sugidda amniga iyo ilaalinta xarumaha muhiimka ah.

Saraakiisha iyo mas’uuliyiinta dowladda dowladda ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in ciidamada la siiyo tababaro joogto ah oo sare u qaada tayada, hufnaanta iyo diyaar-garowga shaqadooda.

Tababarkan feer-celinta ah ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo awoodda iyo tayada ciidamada amniga Puntland, iyadoo la hiigsanayo in la helo ciidan leh xirfad, karti iyo diyaar-garow buuxa oo ka jawaabi kara baahiyaha amni ee jira, isla markaana door muuqda ka qaata ilaalinta nabadgelyada iyo xasilloonida bulshada.