Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa munaasabad ka dhacday Kulliyadda Tababarka Booliska Soomaaliyeed ee Carmo…

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa munaasabad ka dhacday Kulliyadda Tababarka Booliska Soomaaliyeed ee Carmo tababar ugu soo xiray dufcadaha 11-aad iyo 12-aad ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland, kuwaasi oo muddo tababarro ciidan iyo kuwo aqooneed ku qaadanayay xarumaha tababarka ciidanka ee Puntland.
Ciidamada labada dufcadood ayaa tababar iyo feedh-celin ku soo qaatay Kulliyadda Tababarka Booliska Soomaaliyeed ee Carmo iyo Kulliyadda Tababarka Ciidanka General Carays ee deegaanka Godod, oo ka tirsan degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, si loogu diyaariyo gudashada waajibaadkooda ciidannimo, sugidda amniga guud ee Puntland, dhawrista sharciga iyo u adeeggidda bulshadooda.
Madaxweyne Deni oo munaasabadda ka hadlay ayaa ciidamada cusub ku booriyay inay ilaaliyaan anshaxa iyo sharafta ciidanka, isla markaana ay si masuuliyad leh u gutaan waajibaadka loo igmaday, isagoo carrabka ku adkeeyey in askarigu yahay ilaaliyaha sharciga, amniga iyo kala dambeynta, sidaas darteedna looga baahan yahay dulqaad, feejignaan iyo u hoggaansanaanta sharciga.
Waxa uu ugu yeeray ciidanka inay difaacaan shacabka, dhowraan xuquuqda aadanaha, kana fogaadaan tacaddi, eex iyo ku takri-fal awoodeed, wuxuuna sheegay in xiritaanka tababarka kadib ay yihiin adeegayaal bulsho oo ay u siman yihiin shacabka Puntland iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed ee ku hoos nool nabadda iyo dowladnimada Puntland.
Ugu dambayntiina, Madaxweynaha ayaa ciidamada ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay la dagaallanka kooxaha hubeysan, burcadda, tahriibka, mukhaadaraadka iyo dambiyada kale ee khatar ku ah amniga bulshada, iyagoo dhowraya shuruucda dalka, awaamiirta saraakiishooda iyo sumcadda ciidamada dowladda Puntland.
Ugu dambayntiina Madaxweynaha oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Puntland Mudane Maxamed Baari Shire, xubno katirsan golayaasha dowladda iyo saraakiil ciidan ayaa tababar u furay ciidan ka tirsanaa Ciidamada Puntland, kuwaas oo dib-u-tababar (fayl-celin) loogu samaynayo Kuliyadda Tababarka Ciidamada ee Carmo, isagoo kula dardaarmay inay si wanaagsan uga faa’iidaystaan muddada tababarka, isla markaana kororsadaan cilmiga, aqoonta iyo xirfadaha ciidan ee lagu siinayo Kuliyadda. Tababarkan ayaa qayb ka ah dib-u-habaynta iyo nidaaminta ciidamada Dowladda Puntland.










