Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqaymo iyo hawlgall0 qorshaysan oo ciidanka difaaca Puntland iyo…

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqaymo iyo hawlgall0 qorshaysan oo ciidanka difaaca Puntland iyo saaxiibada caalamku ay ka fuliyeen deegaamo katirsan buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.
Hawlgalladii ugu dambeeyey oo ahaa kuwa lagu baacsanayo firxadka Daacisha ayaa la sheegay inay ka dheceen deegaamo ka agdhaw togga Jacayl, kadib markii la ogaadey inay ku dhuumaalaysanayaan horjoogayaal katirsan kooxda nabaddiidka ah.
Ilo wareedyo dhanka ammaanka ah ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in firxadka Daacish oo gabbaadsanaya dadka reer guuraaga ah ay ay yimaadeen deegaamo ka agdhaw Ceelasha biyaha ee Il iyo Dhabana-caddo.
Gacan Cad, Shilalay, Suradka, Aroorka Daylaan oo dhammaan ka agdhaw Ceelasha Dhaban-caddo iyo Il ayaa ah goobaha ay ka dheceen duqaymaha lagu dabar goynayo firxadka Daac1SH.



