Daacish oo dad shacab ah gudoodi ku laysay buuraleey katirsan Cal-miskad.

13 April, 2026

Xubno katirsan malayshiyaadka Nabadiidka ah ee Daacish ayaa laba ruux oo shacab ah ku diley meel…

Xubno katirsan malayshiyaadka Nabadiidka ah ee Daacish ayaa laba ruux oo shacab ah ku diley meel u dhow deegaanka Daraymadow ee togga Jaceel oo ka tirsan degmada Qandala ee gobolka Bari.

Dilka labaada ruux oo dhacay saqdii dhexe ee habeenimadii Axaddu soo geleysey ayaa la sheegay in loo geystey hooyo Faadumo Dugeeye ay kooxdan hore u dileen seygeedii sanadkii 2025 iyo gabadheeda.

Dhanka kalena, kooxda Argagixisada ah oo gudaysay ayaa waxay reerkaas iyo reer kale oo deris la ah ka kaxaysteen xoolo gaaraya afar tiro oo neef (400 oo neef).

Sarkaal katirsan ciidanka difaaca Puntland ayaa HM u xaqiijiyey in kooxdaani oo lagu go’doomiyey godad kuyaal togga Baalade ay si dhuumaalaysi ah u soo bexeen xilli habeen ah ujeedkooduna yahay inay helaan xoolo ay quutaan maadaama aysan helin raashin iyo adeeg kale.