Daacishta Cal-miskaad oo lagu qaaday weeraro cir iyo dhul ah.

20 February, 2025

Ciidamada Puntland iyo saaxiibada ka taageera dagaalka lagula jiro kooxaha nabaddiidka ayaa maanta jab xooggan gaarsiiyey…

Ciidamada Puntland iyo saaxiibada ka taageera dagaalka lagula jiro kooxaha nabaddiidka ayaa maanta jab xooggan gaarsiiyey malayshiyaadka Daacish ee ku dhuumaalaysanaya buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.

Dagaalka maanta ayaa isugu jirey duulaan dhulka ah oo ciidamadu ku qabsadeen tuulada Qurac iyo saldhigyadii Daacish ku lahayd agagarka deegaanka Dandamaale & duqayn ay diyaaradaha dagaalku la beegsadeen goobo ay isku urursanayeen Daacish.

Barta Telegram-ka ee ciidamad ayaa lagu baahiyey sawirrada iyo muuqaalada ajaaniib katirsan Daacish oo ciidamadu ku dileen deegaanka Quruc oo muddooyinkii ugu dambeyey ay ka soo abaabuleen weerarkii ugu dambeeyey.

Dhanka kalena, diyaaradaha dagaalka Imaaraadka Carabta ayaa laba duqaymood oo ka kala dhacay gudaha iyo banaanka tuulada Dandamaale ku diley 29 xubnood oo katirsan Kooxda Daacish.