Daacishta ku sugan Miraale oo markii 3aad la duqeeyey asbuuc gudihiis.

1 April, 2025

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqaymo diyaaradeed oo markii saddexaad diyaaradaha dagaalka saaxiibada caalamiga…

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqaymo diyaaradeed oo markii saddexaad diyaaradaha dagaalka saaxiibada caalamiga ah ka fuliyeen deegaamo katirsan buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.

Duqaymahaan oo saacado badan qaatay ayaa la sheegay in lala beegsaday goobo ay malayshiyaad katirsan kooxda Daacish kaga dhuumaalaysanayeen togagga Baalade iyo Miraale ee gobolka Bari, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidanka difaaca Puntland.

Saraakiisha ayaa xusay in duqaymahaan oo ah kuwa aad loo diyaariyey loo qorsheeyey in lagu burburiyey fariisimada, sahayda, kaydadka iyo awoodda dhaqdhaqaaqyada ciidan ee kooxda Daacish oo horay loogu jebiyey togga Jacayl.

Diyaaradaha dagaalka dalka Maraykanka ayaa 25-kii, 29-kii iyo bishii March duqaymo culus ka fuliyey goobihii ugu dambeeyey ee laamaha ammaanku xaqiijiyeen inay ku dhuumaalaysanayaan xubnaha Daacish, waxaana ciidamadu goobahaasi ugu tageen meydad, hubka noocyadiisa kala duwan iyo fariisimo duqaymaha lagu burburiyey.

Madaxweynaha Puntland ayaa saraakiisha ciidamada ku amray inay joojiyaan dagaalka tooska ah inta duqaymaha lagu burburinayo fariisimada Miiraale oo ah goob aysan geli karin gaadiidka dagaalka, waxaana qorshuhu yahay in bisha bilowga ah ee April ciidanku istaagaan dusha Sare ee magaalada Boosaaso.