Daacishtii ka carartay Miiraale oo duqaymo lala beegsaday.

3 June, 2025

Diyaaradaha dagaalka dowladda Maraykanka oo kaashanaya laamaha dabagalka iyo sahanka Puntland ayaa habeenimadii xalay weerar ku…

Diyaaradaha dagaalka dowladda Maraykanka oo kaashanaya laamaha dabagalka iyo sahanka Puntland ayaa habeenimadii xalay weerar ku qaaday in ka badan afar goobood oo ay ku dhuumaalaysanayeen malayshiyaadka Daacish.

Howlgalkaan oo ahaa mid qorshaysan ayaa lagu burburiyey godad ay ku dhuumaalaysanayeen Daacishtii ka carartay togga Miiraale oo ay 2 maalin kahor si buuxda gacanta ugu dhigeen ciidanka difaaca Puntland.

Taliska hawlgalka Hillaac oo war kooban soo saaray ayaa sidoo kale xaqiijiyay duqeymaha Mareykanku xalay ka fuliyay togga Baalade, waxaana uu sheegay in lagu beegsaday godadkii ay ku dhuumanayeen firxadkii mileeshiyaadka Daacish.

“Saaxiibada Dowladda Puntland ee Maraykanka  ayaa duqeeyay 4 meelood oo ku yaalla inta u dhexeysa Togagga Baalade iyo Miiraale, waxaa la beegsaday firxadkii Argagixisada oo sii gelaya Godad ay ku dhuumanayeen”, Ayaa lagu yiri warka taliska.