Mowjado xooggan oo biyo ah ayaa ku soo rogmey dooxa Ceel-daahir ee gobolka Bari, kuwaas oo…

Mowjado xooggan oo biyo ah ayaa ku soo rogmey dooxa Ceel-daahir ee gobolka Bari, kuwaas oo sababay khasaare gaadiid iyo hakad ku yimid isu socodkii gaadiidka ee waddada muhiimka ah ee isku xirta gobollada Bari iyo Karkaar.
Biyaha ayaa ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay deegaamo ka tirsan gobollada Sanaag, Bari iyo Haylaan, kuwaas oo ugu dambeyn ku soo qulqulay togga Ceel-daahir, iyagoo waxyeelada ugu weyn gaarsiiyey laba gaari oo nooca xamuulka qaada ah xilli ay ka soo shiraacdeen dekedda Boosaaso/
Daadka ayaa sidoo kale gebi ahaanba kala jaray isu socodkii gaadiidka ee laamiga isku xira gobollada Bari iyo Karkaar, taasoo saameyn ku yeelatay dadka safarka ah iyo gaadiidkii ganacsiga ee marayay jidkaasi, iyagoo goobta ku xanibay gaadiid kala duwan.
Ceel-daahir ayaa ka mid ah meelaha inta badan ay saameeyaan daadadka ka dhasha roobabka ka da’a buuraha iyo deegaannada ku dhow, waxaana marar badan ka dhacay hakadyo gaadiid iyo khasaare la xiriira fatahaadaha xilliyada roobka.



