DAAWO: Madaxweynaha Puntland oo khudbad xasaasi ah ka jeediyey furitaanka kal-fadhiga barlamaanka.

25 October, 2025

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si rasmi ah u daahfuray kal-fadhiga 57aad ee golaha…

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si rasmi ah u daahfuray kal-fadhiga 57aad ee golaha wakiilada, oo uu ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysay.

Madaxweyne Deni ayaa siweyn ugu dheeraaday waxqabadka xukuumaddiisa muddadii u dhexaysay labada kal-fadhi, dagaalka ay Puntland kula jirto kooxaha nabaddiidaka ah, nabadaynta degmada Ceerigaabo iyo arrimo kale oo quseeya xaaladda Somalia.

Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa khuddiisa ku ammaanay Madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, oo uu sheegay inuu door weyn ka qaatay nabadaynta Magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

“Dowladda Puntland waxay juhdi gelisey dib u yagleelidda dowlad dhexe, waxaa nasiib darro ah inuu weli taagan yahay khilaaf la xiriira hanaanka federalka, waa la gaari karaa rajada shacabka Soomaaliyeed haddii la heli hoggaan u diyaarsan, dowladda Puntland aqbali mayso in meesha laga saaro in meesha laga saaro shuruucda, mana sii fiirsanayso in dalku galo firaaq dastuuri ah”, Ayuu yiri Madaxweyne Deni.