Dabbaal-degyo ka socda gudaha Gaza iyo Israel kadib iswaydaarsigii Maxaabiista.

14 October, 2025

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in la aqbalay ducadii Malaayiinta qof ee nabadda Gaza, ka…

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in la aqbalay ducadii Malaayiinta qof ee nabadda Gaza, ka dib markii heshiis nabadeed oo Gaza laga gaaray lagu saxiixay shir caalami ah oo ka dhacay dalka Masar.

Hoggaamiyaha Maraykanka oo lagu sifeeyey shaqsigii ugu mudnaa shirka ka dhacay Sharm el-Sheikh isaga iyo hoggaamiyeyaasha Masar, Qadar, iyo Turkiga oo dhamaantood gacan ka geystay dhexdhexaadinta heshiiska xabbad-joojinta, ayaa saxiixay heshiiska.

Dhanka kalena, dabbaal-degyo xooggan ayaa ka dhacay guud ahaan Israel iyo dhulka Falastiin ka dib is-weydaarsigii maxaabiista iyo dadkii la haystay ee Isniintii.

Guud ahaan iswaydaarsiga maxaabiista ayaa u dhacday hananakii loo qorsheeyey, inkastoo qaar ka mid ah dadka Israa’iil ayaa muujiyay caro ka dib markii Xamaas ay soo celisay meydadka afar qof oo kaliya oo ka mid ah dadkii dhintay ee la haystay.