Dableey ganacsade caan ah ku diley Magaalada Galkacyo.

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxay dil saaka suuqa bartamaha Magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka…

16 September, 2025

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxay dil saaka suuqa bartamaha Magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug loogu geystey ganacsade caan ah, oo loo beegsaday aano qabiil.

AUN ganacsade Siyaad Cali Xirsi oo caan ka ahaa Galkacyo, kana mid ahaa haldoorka gobolka Mudug ayaa saaka lagu toogtay bartamaha Kagaalada, kaddib markii dabley hubaysan ku weerartay xaruntiisa ganacsi oo kutaalla suuqa Galkacyo ee dhanka Puntland.

Goob-joogayaal ayaa xaqiijiyey in rag hubaysan oo marxuum Siyaad Cali Xirsi ay goobta ka baxsadeen kahor inta aysan soo gaarin laamaha ammaanka gobolka Mudug ee Puntland.

Ciidanka ammaanka gobolka Mudug gaar ahaan degmada Galkacyo ayaa xaqiijiyey inay wadaan baaritaano lagu soo qabanayo dableeydii ka dambaysay dilka saaka ka dhacay Magaalada Galkacyo.