Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil ay kooxo hubaysani laba ruux ugu geysteen ceel-biyood…

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil ay kooxo hubaysani laba ruux ugu geysteen ceel-biyood kuyaalla deegaanka Koogaar oo hoos yimaada degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Goob-joogayaal ku sugan Koogaar ayaa xaqiijiyay in rag hubaysan oo ka soo jeeda degmada Cadale ay halkaasi ku dileen laba ruux oo lagu kala magacaabi jirey Fanax Macalin Xabeeb iyo Muxudiin Caraale.
Dhacdadadaan ayaa lala xiriirinayaa aanooyin qabiil oo horay uga dhici jirey deegaamo katirsan maamulka Hirshabeelle, waxaana dadka deegaanku sheegeen in haddii aan laga hortegin ay sababi karto dagaal intaas ka ballaaran.
Dhowr maalin kahor ayey ahayd markii duleedka degmada Cadalle lagu dilay darawal waday gaari noha ah, kaasoo la sheegay in ay toogteen maleeshiyaad hubeysan oo ku sugnaa aaggaasi.



