Dabley muddo saddex cisho ah gacanta ku haysa xarumihii dowladda ee degmada Godobjiraan.

3 August, 2025

Malayshiya beeleed hubaysan ayaa muddo dhawr cisho ah xoog ku haysta qaybo kamid ah xarumaha adeegga…

Malayshiya beeleed hubaysan ayaa muddo dhawr cisho ah xoog ku haysta qaybo kamid ah xarumaha adeegga dadweynaha degmada Godobjiraan oo katirsan Koonfurta gobolka Nugaal.

Raggaan hubaysan oo gacanta ku haya xarunta maamulka degmada, saldhigga bilayska degmada iyo cisbitalka degmada Godobjiraan ee gobolka Nugaal ayaa cabasho ka muujinaya inay waaweeyeen xuquuqda nin ay isku hayb yihiin oo gacanta dowladda lagu waxyeeleeyey.

Ninka hoggaaminaya raggaan hubaysan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ka cabanayaan nin la hayb ah oo ku dhaawacmay gacanta ciidanka booliska gobolka Nugaal, isagoo dowladda ku eedeeyey inay ka baxday ballan hore oo ku saabsan daryeelka iyo magdhowga ninka la dhaawacay.