Khasaare ayaa ka dhashay bam-gacmeed caawa ku qarxay goob ay fadhiyeen laba askari oo ka tirsan…

Khasaare ayaa ka dhashay bam-gacmeed caawa ku qarxay goob ay fadhiyeen laba askari oo ka tirsan Ciidanka Milatariga Somaliland, iyadoo dhacdadu ay sababtay dhaawaca labada askari iyo laba qof oo shacab ah.
Dhammaan dadka dhaawacmay ayaa loo gudbiyey Cisbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa, halkaas oo lagu dabiibayo. Sida uu sheegay Taliska Ciidanka Booliska Somaliland, bambo-gacmeedka ayaa dhulka kaga dhacay mid ka mid ah askarta dhaawacantay.
Taliska Booliska ayaa sheegay in aanay jirin wax ujeeddo ah oo loo tuuray bambo-gacmeedka, isla markaana ay socdaan baadhitaanno dheeraad ah oo lagu ogaanayo sida ay dhacdadani u dhacday iyo sababta keentay.
Dhanka kale, Booliska Somaliland ayaa beeniyey warar lagu faafiyey baraha bulshada oo sheegayay in qarax ka dhacay magaalada Hargeysa uu ahaa dhacdo kale oo amni, isagoo bulshada ugu baaqay in aan la faafin warar aan la xaqiijin oo dhaawici kara amniga iyo xasilloonida dalka.




