Dad ku dhaawacmay shil ka dhacay duleedka Garoowe.

Inta ka xaqiijiyey saddex ruux ayaa dhaawacyo kala duwan ka soo gaareey shil gaari oo maanta…

28 June, 2026

Inta ka xaqiijiyey saddex ruux ayaa dhaawacyo kala duwan ka soo gaareey shil gaari oo maanta ka dhacay duleedka bari ee magaalada Garoowe, gaar ahaan agagaarka xarunta ganacsiga ee SABCO.

Ciidanka Ilaalada Waddooyinka ee Gobolka Nugaal ayaa sheegay in shilka uu ka dhashay isku dhac dhex maray gaari Homey ah oo ay dhalinyaro kasoo kaxeeyeen dhinaca Burtinle, kaas oo xilliga shilka aan wax rakaab ah saarnayn, iyo gaari nooca raaxada ah.

Shilalka gaadiidka ayaa muddooyinkii u dambeeyey kusoo badanayay magaalada Garoowe, iyadoo ciidamadu u sababeeyeen mas’uuliyaddaro dhanka darawalada ah.