Dadkii ka barakacay Baladxaawo oo dib ugu noqonaya Guryahood ka dib dagaalkii.

2 August, 2025

Boqolaal qof oo ka barakacay magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa bilaabay inay dib ugu soo…

Boqolaal qof oo ka barakacay magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa bilaabay inay dib ugu soo laabtaan guryahoodii ka dib dagaalladii cuslaa ee muddo laba todobaad ah ku dhexmarayay magaaladaas ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Ilaa maanta dad badan ayaa dib ugu noqonayey guryahooda kuwaas oo horay ugu qaxay deegaanada ku dhow magaalada iyo Xadka dhanka Kenya gaar ahaan Mandheera.

Dib u soo laabashada dadkaasi waxay ku soo beegmaysaa kadib markii 30-kii bishii July maalmo ka hor ciidamada dowladda si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

Maamulka degmada ee taabacsan dowladda federaalka ayaa shacabka ugu baaqay inay dib ugu soo noqdaan magaalada, waxay fariinta ay direen ku xuseen in ay dadweynahu ilaaliyaan nabadda kana digtoonaadaan wixii xaalad abuur ah.