In ka badan 10 qof ayaa ku dhintay halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen dagaal beeleed saaka ka qarxay dooxada Dureera ee u dhaxaysa magaalooyinka damala-xagare iyo shimbiraale ee gobolka Sanaag.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu salka ku hayo dhul daaqsimeed iyo muran beeleed soo jiitamayay muddooyinkii lasoo dhaafay, kaasoo marar hore laga dhex-dhexaadiyay, balse maanta mar kale cirka isku shareeray.
Warar hordhac ah oo laga helayo ayaa sheegaya inay goobta gaareen ciidamada Puntland iyo kuwa SSC-Khaatumo, kuwaas oo xiligan ku hawlan inay dejiyaan xiisadda dagaal ee beelaha walaalaha ah.
Maamulka gobolka Sanaag iyo dowladda Puntland wali kama soo bixin war rasmi ah oo ku saabsan dagaalkan iyo tallaabooyinka laga qaadayo si loo joojiyo colaadda.
Horseed Media