Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal ciidanka difaaca Puntland iyo malayshiyaad katirsan kooxda Daacish…

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal ciidanka difaaca Puntland iyo malayshiyaad katirsan kooxda Daacish ku dhexmaray togga Ina Cidoole ee buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.
Dagaalkaan oo ay ku dhaawacmeen saddex askari ayaa ciidankiu sheegeen inay jab xoogan gaarsiiyeen ururka argagsixisada ah ee Daacish ayna sii wadaan hawlgallada dabargoynta.
Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay inaysan helin gurmadkii ay u baahnaayeen, iyaga oo ka cawday miino baaris la’aan iyo adeega caafimaadka. Ciidamada ayaa warkan ku baahiyay bartooda Facebook-ga.
Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa maalmihii la soo dhaafay hawlgallo qorshaysan dib uga bilaabay deegaamo katirsan Cal-miskaad kadib markii ay Daacish ku soo dhuumatay dadka reer guuraaga ah oo ku soo noqday deegaanka.



