Dagaal culus oo laysu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka bilowday Magaalada Baydhabo ee xarunta…

Dagaal culus oo laysu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka bilowday Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka u ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Somalia.
Dagaalkaan oo la sheegay inuu ka soo bilowday hal jiho ayaa soo gaarey qaar kamid ah xaafadaha kuyaal hareeraha Magaalada oo ay dhufaysyo ku leeyihiin ciidamada daacadda u ah Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen, sida ay HM u sheegeen goob joogayaal qax ka ah aaggaasi.
Mucaaradka oo taageero kahelaya ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa ku goodiyey inaysan joogsan doonin ilaa ay ka qabsadaan Madaxtooyada Baydhabo, halka maamulka Lafta-gareen sheegeen inaysan ka joogsan doonin difaaca deegaankooda.
Dhanka kalena, wakiilo ka socda beesha caalamka ayaa goor dhoweyd gaarey Villa Somalia oo ay kula shirsan yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku goodiyey inuusan ka laaban doonin qabashada doorashooyin qof iyo cod ah oo dhaqaale badan kaga baxay xukunkiisa.



