Faahfaahin dheeraad ah ay ayaa ka soo baxaysa iska hor-imaad Maanta Garoonka diyaaradaha Magaalada Waajid ee…

Faahfaahin dheeraad ah ay ayaa ka soo baxaysa iska hor-imaad Maanta Garoonka diyaaradaha Magaalada Waajid ee gobolka Xudur oo uu ka arrimiyo maamulka Koonfur Galbeed Somalia.
Rasaasta ka dhacday garoonka diyaaradaha degmada Waajid oo sababtay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed ayaa bilaabatay kadib markii inay degaan laga horjoogsadey wafti ka socda dowladda federalka ah ee Somalia.
Dowladda Federalka ah ee Somalia ayaa dedaal xooggan ku bixinaysa sidii ay gacan buuxda ugu dhigi lahayd degmooyinka Xudur, Waajid, Buurhakaba iyo Baraawe oo ka kala tirsan Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool si ugu dambayn maamulka Lafta-gareen looga fara maroojiyo degmada Baydhabo.
Maamulka Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Lafta-gareen oo xalay shaaciyey guddi doorasho ayaa xilligaan dedaal xoogan ku bixinaya sidii uu deegaanka uga joojin lahaa duulaanka DFS, iyadoo Lafta-gareen soo bandhigay boqolaal askari oo loo abaabuley hab qabiil.



