Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeya ciidanka difaaca dowladda Puntland iyo ciidamo…

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeya ciidanka difaaca dowladda Puntland iyo ciidamo taabacsan Mas’uuliyiinta dowladda federalka ah ee ku sugan Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Dagaalkaan ayaa bilowday kadib markii sarkaal katirsan ciidanka difaaca dowladda Puntland uu ka dalbaday dhinaca ka soo horjeeda inay magaalada ka baxaan, amarkaas oo ay ka biyo diideen ciidamada taabacsan dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee ka dhanka ah Puntland.
“Ciidamo ka amar qaata DFS oo Magaalada ka sameeyey jidgooyooyin iyo isbaarooyin ayaa ciidanka dowladdu ka hawlgaleen waana laqaaday wixii ay dhigeen waxaana gacanta ku haya ciidanka booliska iyo Daraawiishta”, Ayuu yiri duqa Magaalada.



