Dagaal sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo warramayaa inuu markale saaka ka…

Dagaal sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo warramayaa inuu markale saaka ka qarxay deegaamo hoosyimaada degmada Luuq ee gobolka Gedo.
Dagaalkaan oo ka socda goob qiyaastii 30KM ujirta degmada Luuq ayaa la xaqiijiyey inuu u dhexeeyo laba malayshiyo oo ka soo kala jeeda beelo ood-wadaag ah oo horay diriri dhawr jeer ugu dhexmartay degmada Luuq.
Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka gobolka Gedo ayaa sheegay inay dedaal ku bixin doonaan joojinta dagaalkaasi, inkasta oo kala xirnaanshaha gobolku ay kaalin ka qaadanayso sii socoshada dagaalka iyo dibu-dhacyada kooxaha nabadaynta.
Gobolka Gedo ayaa sanadihii dambe hoy u noqday dagaalada beelaha iyo kuwa siyaasadda xilli ay marar badan ku hardameen ciidanka dowladda Jubbaland iyo kuwa ka amar qaata dowladda federalka ah ee Somalia.



