Dagaal labaad oo saaka dib uga qarxay buuraha Calmiskaad

5 February, 2025

Taliska guud ee ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay saaka hawlgallo xooggani ka socdaan inta u dhexaysa deegaamada Qurac iyo Dharin ee buuraleeyda Calmiskaad, halkaas oo ay ku dhuumaalaysanayaan xubno katirsan kooxda Daacish.

Qoraal ka soo baxay taliska ayaa lagu sheegay in hawlgallada maanta ay ciidanku kula wareegeen saldhigyo muhiim ahna ayna halkaasi ku digeen dhagarqabayaal ajaaniib u badan.

“Ciidanku waxay maanta hawlgal ka wadaan inta u dhexaysa Qurac iyo Dharin iyo deegaannada ku harareysan Togjaceel. Durba saldhigyo ayeey Ciidanku Xoog kula wareegeen. Ajaanib badan ayaa la dilay”, ayaa lagu yiri war ka soo baxay taliska guud ee ciidanka difaaca Puntland.

Dhanka kalena, maamulka degmada Qandala ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in ciidanku gacanta ku dhigeen deegaanka Qurac oo saldhig muhiim ah u ahaa kooxaha nabaddiidka.

Dagaalka oo hadda u muuqda mid sii xoogaysanayaa ayaa jab xoog leh lagu gaarsiiyey argagixisada, halka ciidamada Difaaca Puntland la xaqiijiyey inay dagaalka kaga dhinteen Saraakiil ay kamid yihiin Col. Mukhtaar Qoryood iyo Taliye Maxamuud Beder.

Horseed Media