Dagaal culus ayaa saaka markale ka qarxay magaalada Baydhabo, xarunta gobolka Baay, kadib markii iska horimaadyo…

Dagaal culus ayaa saaka markale ka qarxay magaalada Baydhabo, xarunta gobolka Baay, kadib markii iska horimaadyo xooggan ay ka bilowdeen ugu yaraan afar goobood oo kala duwan oo magaalada ah.
Dagaalka ayaa gelinkii dambe ee shalay dambe bilowday kadib markii malayshiyaad ka amar qaata ganacsade caan ah ay weerareen goob dhisme ka socdo iyagoo markii dagaalka looga adkaaday u galay ciidamo Daraawiish ah oo uu hoggaamiyo sarkaal lagu magacaabo Cabdiraxmaan Hirshaw iyadoo intaas kadib dagaalku sii xoogaystay.
Guud ahaanba isgaadhsiinta degmada Baydhabo iyo deegaamada hoosyimaada ayaa hawada ka maqan, iyadoo dagaalku saaka gudaha u galay xaafado horleh oo ay kujiraan guri uu lee yahay wasiir katirsan xukuumadda federalka ah ee Somalia.
Inta la xaqiijiyey 6 ruux ayaa dagaalkii shalay ku geeriyootey 12 kalena waa ay ku dhaawacmeen, waxaana suxufiyiin ku sugan Baydhabo soo weriyeen inay jiraan wasiiro katirsan maamulka Koonfur Galbeed oo dhaawacyo soo gaareen.



