Dagaal saaka markale ka qarxay duleedka degmada Beled-xaawo.

11 August, 2025

Dagaal xooggan ayaa saaka markale ka qarxay deegaanka Tuulo Aamin ee hoostagta magaalada Beled-Xaawo, kadib markii…

Dagaal xooggan ayaa saaka markale ka qarxay deegaanka Tuulo Aamin ee hoostagta magaalada Beled-Xaawo, kadib markii ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay weerar qorsheysan ku qaadeen ciidanka Jubbaland oo fariisin ku lahaa deegaankaasi.

Goob joogayaal ayaa u sheegay warbaahinta in labada dhinac ay isu-adeegsadeen hub culus iyo mid fudud, iyadoo aaggaasi laga maqlayo daryanka hubka culus iyo rasaasta fudud.

Qaar kamid ah qoysaskii ku noolaa deegaankaasi ayaa bilaabay inay barakacaan, iyagoo ka baqaya in dagaalka uu ku faafo tuulooyinka ka agdhaw deegaanka tuulo Aaamin.

Maamulka Jubbaland iyo Dowladda federalka ah ee uu wakiilka u yahay Cabdirashiid Janan midkoodna kama hadlin dagaalka saaka iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.