Dagaal sababay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay duleedka Magaalada Garowe

Published: May 16, 2023
Shares18

Ciidanka dowladda oo Garoowe ka qaaday sanaadiiqda doorashooyinka qof iyo cod iyo ciidamo taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ah ee doonaya in la joojiyo doorashooyinka ayaa xaley dagaal ku dhexmaray duleedka Magaalada Garowe.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan saddex askari ayaa ku dhintay halka tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen dagaal xalay ka dhacay nawaaxiga garoonka diyaaradaha Garoowe. 

Labada dhinac ee dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah midna weli kama hadlin dagaalkii xalay ka dhacay nawaaxiga garoonka diyaaradaha Garoowe.

Dagaalkan ayaa ku soo beegmay saacado yar kadib markii siyaasiyiinta mucaaradku ay ku baaqeen in la joojiyo doorashooyinka qof iyo cod si aysan u sababin qalalaase amni.

Horseed Media