Dagaalamayaal katirsan Daacish oo lagu diley duqayn ka dhacday Sheebaab.

19 February, 2025

Diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada Soomaaliya ayaa weli sii wada duqaymaha lala beegsanayo deegaamada ay buuraleeyda Cal-miskaad…

Diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada Soomaaliya ayaa weli sii wada duqaymaha lala beegsanayo deegaamada ay buuraleeyda Cal-miskaad kaga dhuumaalaysanayaan dagaalyahanada iyo xubnaha sar-sare ee kooxda Daacish.

Duqayntii ugu dambaysey oo ay fuliyeen diyaaradaha dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ka dhacday deegaanka Sheebaab ee Cal-miskaad ayaa Puntland shaacisay in lagu diley 11 xubnood oo katirsan Daacish.

Dhanka kalena, ciidamada difaaca Puntland ayaa wada hawlgallo dhulka ah oo isugu jira sahminta deegaamo ay horay u joogeen Daacish iyo miina baarka marinada muhiimka ah ee togga Jacayl, inkastoo aysan gelin dagaalo toos ah muddo 7aad ka badan.