Dagaalka Bariga dhexe oo galay maalintii 9aad xilli dalalka Khaliijku gurmad dalbanayaan.

Dagaalka Bariga dhexe ee u dhexeeya Maraykanka, Israel oo isku garab ah iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah…

8 March, 2026

Dagaalka Bariga dhexe ee u dhexeeya Maraykanka, Israel oo isku garab ah iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ayaa galay maalintii 9aad, xilli uu ka dhashay khasaare nafeed iyo burbur dhaqaale oo aad u xooggan.

Iran waxay dagaalka ku wayday hoggaamiyihii ugu sarreeyey dalkeeda, saraakiil, wasiiro iyo boqolaal shacab ah oo ku geeriyoodey duqaymaha ku socda inta badan Magaalooyinka waaweyn ee dalkeeda.

Dhanka Yuhuudda iyo Maraykanka waxaa jira khasaare nafeed iyo mid hantiyeed oo soo gaarey inkastoo aysan gaarsiisnayn heerka gaarey Jamhuuriyadda Iran.

Dhanka kalena, dalalka Khaliijka Carabta oo difaacii ay sugayeen ka waayey Maraykanka ayaa noqday dhibbanaha aan dagaalka kujirin, kadib markii Iran oo ka caraysan in maraykanku adeegsanayo dhulkooda ay burbur xooggan gaarsiisay shidaalkii iyo dhaqaalihii dalalka Carabta oo hadda taageero waydiisanaya qaar kamid dalalka caalamka.

“Waxaan helney codsiyo ka yimi khaliijka oo dalbanaya in aan ka difaacno gantaallada & diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan, waxaan se u sheegney in mowqifkeena uu yahay in aanaan ka qayb qaadan weerar ka dhan ah Iiraan”, Wasiirka Arrimaha dibadda Australia Penny Wong.

Sacuudiga ayaa ugu hanjabay Iiraan sii socoshada weerarrada kaabayaasha dhaqaalaha Sacuudiga inay ka dhalanayso Sacuudiga inuu ka jawaabo, isla markaana u oggolaado Mareykanka inuu adeegsan karo saldhigyada Sacuudiga si uu u weerarro gudaha Iiraan, sida ay werisey Reuters.